Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, XFS Mudane Daa’ud Aweys Jamac oo uu weheliyo dhiggiisa Wasiirka Wasaarada Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Wasiir Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa si rasmi ah maanta u furay munaasabad lagu soo bandhigayay daraasadda qaybta dalxiiska iyo martigelinta oo ah hannaan looga faa’iideysan karo soo bandhigidda bilicda dhulka Soomaalida.
Daraasaddu waa mid daboolka ka qaadi doonta fursadaha, faa’iidada iyo caqabadaha ku gidaaman, waxaana ay sidoo kale siinaysaa dulmar kooban oo ku saabsan heerka hadda la joogo, iyadoo la iftiiminaayo xal cusub oo looga gudbi karo caqabadaha jira.
Ugu dambayntii Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaud Aweys Jaamac oo ka duulaya horumarinta dalxiiska iyo maalgashiga ayaa daahfuray Mashruucan oo looga faaidaysan doono horumarinta dalxiiska dalka.